Xiisadda colaadeed ee ka aloosan gobolka Tigray ayaa cirka isku sii shareeraysa, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in jabhadda TPLF ay waddo abaabul dagaal oo ka dhan ah dowladda Xabashida Itoobiya.
Heshiiskii nabadeed ee ku dhawaad saddex sano ka hor magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika ku dhex-maray xukuumadda Addis Ababa iyo kooxda TPLF ayaa u muuqda mid qarka u saaran in uu burburo. Waxaana fashilka ku yimid fulinta qodobbadii heshiiskaas ay abuurtay cabsi laga qabo in colaad hor leh ay dib uga soo cusboonaato waqooyiga Itoobiya.
Wararka ayaa tibaaxaya in maleeshiyaadka TPLF ay isku urursanayaan deegaannada xuduudda la leh gobolka Axmaarada, gaar ahaan aagga Raya, oo ay ku jirto magaalada Alamata, oo dhacda koonfurta gobolka Tigray.
Magaalada Alamata, oo ah xarunta ugu weyn deegaankan, waxaa labadii sano ee u dambeeyay maamulayay ciidanka Xabashida Itoobiya, hase yeeshee, warar ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Tigray ay gudaha u galeen deegaanno ka tirsan Raya, ayna ku amreen booliska federaalka ee halkaas ku sugnaa inay ka baxaan aagga.
Sidoo kale, waxaa la soo sheegayaa in dugsiyadii waxbarashada ee deegaannadaas loo beddelay fariisimo ciidan, kadib markii ay saldhigyo ka sameysteen maleeshiyaadka TPLF. Waxay sidoo kale laaleen maamulladii ay xukuumadda Abiy Axmed u magacawday deggaannadaasi sida Mohoni, Chercher, iyo Maichew, iyagoo halkaas ka dhisay maamullo cusub oo iyaga taabacsan.
Dhanka kale, taliyaha guud ee ciidanka Xabashida Itoobiya, Berhanu Jula, ayaa si adag ugu goodiyey jabhadda TPLF. Waxaanu ku amray inay si degdeg ah usoo wareejiyaan hubka culus ee ay haystaan, kaas oo uu sheegay inuu yahay hanti qaran oo laga xaday dowladda federaalka.
Jula wuxuu ku eedeeyay TPLF inay qariyeen hub ay ka mid yihiin madaafiic, taangiyo, iyo gantaallada lidka diyaaradaha, isla markaana ay hadda wadaan qorshe ay dib ugusoo saarayaan. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in gobolka Tigray uu yahay gobolka keliya ee haysta hub noocan oo kale ah.
"Waa inaad soo celisaan taangiyada iyo madaafiicda aad aasteen, ee aad hadda ku howlan tihiin soo saaristooda," ayuu yiri taliyuhu, mar uu hadal ka jeedinayay munaasabad ciidan oo isniintii lasoo dhaafay ka dhacday magaalada Jimma ee gobolka Oromada.
Berhanu Jula wuxuu TPLF xusuusiyay dagaalkii dhiigga badan ku daatay ee labada sano socday, isagoo u digayana waxa uu yiri "Markii horena dagaalka aad dabada ka riixdeen wax faa'iido ah kama aydnaan helin, khasaare mooyee."
Isku soo wada duuboo, xaaladdu waxay u muuqataa mid faraha kasii baxaysa, waxaana jirta cabsi weyn oo laga qabo in dagaallo qaraar ay dib uga dhex qarxaan ciidanka Xabashida Itoobiya iyo jabhadda TPLF, xilli dhanka kalena xiisadda ka dhex jirta maamullada Asmara iyo Addis Ababa ay sii xumaanayso, taas oo sii murjin karta xaaladda gobolka.