FAAH-FAAHIN: Dagaal culus oo maanta dib uga qarxay magaalada Balad Xaawo ee gobolka Gedo.

Friday July 25, 2025 - 17:21:14
Liibaan Jeexoow
Maleeshiyaadka kala taabacsan kooxda Villa Somaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa maanta mar kale dagaal culus ku dhex-maray magaalada Balad Xaawo ee gobolka Gedo.
Sida ilo deggaanka ah ay xaqiijiyeen, dagaalka ayaa xooggiisu ka bilawday agagaarka xero ciidan oo lagu magacaabo xero UK oo ku taalla duleedka bari ee degmada Balad Xaawo.

Xeradan oo fariisin u ahayd maleeshiyaadka taabacsan kooxda Villa Somaliya, ayaa lagu soo warramayaa in xilliga uu dagaalku bilawday ay ku sugnaayeen saraakiil uu ka mid yahay C/Rashiid-Janan.

Daryanka noocyada kala duwan ee hubka labada dhinac isweydaarsanayaan ayaa laga maqlayay deggaanno ku dhow magaalada Balad Xaawo.

Waxaa jira khasaare culus oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinacba kala gaaray, walow aan weli la shaacin faahfaahinta tirakoobka.

Kooxda Villa Soomaaliya ayaa goor dhawayd bayaan kasoo saartay dagaalkan oo eeddiisa ay dusha uga tuurtay Axmed-madoobe, oo ay sheegtay in isagu uu maleeshiyaadkiisa ku amray inay weeraraan xero UK.

"Weerarkaan wuxuu sababay in naftooda ay si mcino darro ah ku waayaan muwadiniin Soomaaliyeed, …” ayaa lagu yiri bayaankan oo ay soo saartay Wasaaradda Amniga ee kooxda Villa Somaliya.

Sidoo kale bayaankan ayaa loogu goodiyey madaxa Jubbaland waxaana lagu yiri "Dawladda Federaalka ah waxaa ka go'an in lala xisaabtamo danbiilayaasha uu ugu horeeyo Eedaysane Madoobe iyo inta kala qayb-qaadata fal-danbiyeedkiisa.”

Maamulka Jubbaland oo isna goor dhawayd war kasoo saaray dagaalkan maanta ka dhacay Balad Xaawo, ayaa eedayn culus u jeediyey kooxda Vill Somaliya.

Wasaaradda Warfaafinta Jubbaland ayaa sheegtay in kooxda Villa Somaliya ay dagaalkan maanta dhacay ku bartilmaameesadeen dadka shacabka ah kuna garaaceen hubka culus.

"Dowladda Jubaland waxay si adag u cambaareyneysaa weerarka hoobiyeyaasha ah ee maanta lagu qaaday magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo, waxaana falkan fuliyay ciidamo ku sugan Xerada UK ee duleedka Magaalada, kuwaas oo uu eedaysane Xasan Sheekh Maxamuud u adeegsanayo xasuuqa iyo barakicinta dadka shacabka ah.” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Jubbaland.

Kooxda Axmed-madoobe waxay sheegeen in maleeshiyaadka Gurguurte ee ku sugan xerada UK, ay hoobiyeyaal ku garaaceen shacabka Balad Xaawo. Waxaana ku dhintay 2 qof oo hoobiyeyaashu ay ugu tageen guryahooda, sida lagu sheegay bayaanka.

Related Items

Update cookies preferences