Wasiirro ka socda Somaliland oo lagu soo dhaweeyay Jasiiradda Taiwan.

Tuesday July 22, 2025 - 11:02:40
Liibaan Jeexoow
Wafti wasiirro ah oo ka socda maamulka isku magacaabey Somaliland ayaa ka degay caasimadda maamulka aan weli la aqoonsan ee Taiwan.
Wasiirka Dibedda Cabdiraxmaan Aadan, Wasiirka Madaxtooyada Khadar Cabdi iyo la Taliyaha Cirro ee Arrimaha Dibedda Maxamed Xaaji xubno kale ayaa lagu soo dhaweeyay Taipei.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibedda Taiwan ayaa lagu sheegay in weftiga Somaliland uu soo dhaweeyay Wasiirka Dibedda Taiwan.

Taiwan ayaa xustay in inta ay joogaan waftigan ka socda Somaliland ay la kulmi doonaan Madaxweynaha Taiwan, Xoghayaha Amniga Taiwan iyo xubno kale oo ka tirsan Xukuumadda Taipei.

Wararka ayaa intaa ku daraya in lakala saxiixan doono heshiisyo la xiriira badda. Taiwan waxa ay mashaariic horumarineed sida waddooyin iyo cisbitaallo ka fulisay maamulka Somaliland.

Labadan maamul ayaa xiriirkoodu bilaabmay wixii ka dambeeyay sannadkii 2020.

Related Items

Update cookies preferences