DAAWO: Sawirrada weerarkii saaka jihaadiyiinta Al-Shabaab kula wareegeen Sabiid iyo Caanoole.

Friday July 25, 2025 - 08:50:53
Liibaan Jeexoow
Maktabka Al-Kataa'ib ee warfaafinta Al-Shabaab ayaa goor dhawayd baahiyey sawirrada weerarkii saaka ay jihaadiyiinta kula wareegeen deggaanka Sabiid ee duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa xaqiijiyey in firxadka ciidamadii Ugandhiiska ahaa ee saaka lagu xasmiyey deggaanka Sabiid iyo Caanoole ay orod ku galeen dhanka degmada Afgooye. 

Sidoo kale maleeshiyaadka Gurguurte ayaa lagu soo warramayaa in qaarkood ay u baxsadeen dhinaca Afgooye, halka qaar kalena ay ku daateen webiga, kadib markii ay cagahu cuslaadeen.

Khasaaraha la gaarsiiyey ciidamada huwantu aad ayuu u fara badan yahay, waxaana weli socda tirakoobka, iyadoo sidoo kale ay xusid mudan tahay in ay jirto saanad millateri oo aad u fara badan oo jihaadiyiintu ay kula wareegeen dagaalkan saaka.

Related Items

Update cookies preferences