Guddoomiyihii Tardo oo sheegay inay cabsi awgeed uga carareen deggaanka.

Sunday July 13, 2025 - 18:28:48
Liibaan Jeexoow
Guddoomiyihii kooxda Villa Somaliya ugu magacownaa deegaanka Tardo ee muhiimka ah ee dhaca bariga Hiiraan, Cismaan Xuseen Guurre, ayaa sheegay in magaalada ay isaga baxeen, halkaasna ay gacanta u gashay xoogagga Al-Shabaab.
Wuxuu xaqiijiyay in magaaladan Istaraatiijiga ah ay ka carareen kadib markii ay soo wajahday cabsi ay ka qabaan dagaalyahannada Al-Shabaab ee howlgallada ballaaran ka wada deegaannada dhaca bariga gobolkaasi.

Isagoo sii hadlayay ayuu walaac ka muujiyay horumarrada jihaadiyiintu ka sameynayaan bariga Hiiraan, dhulka ballaaran ee dagaalyahannadu xoreeyeen ee ay dib uga qottomiyeen raayada Towxiidka ayuu sidoo kale walaac aad u daran ka muujiyay, isagoo dhanka kale ku cataabay in la dayacay oo dagaalka lagu fiirsaday.

Guurre ayaa xoreyntii jihaadiyiinta ee degmada Moqokori kadib sheegay in maleeshiyadiisa dagaalka lagu jabiyay, sidaas darteed na uu go’aankoodu yahay inay Itoobiya iska dhiibaan, oo ay noqdaan maamul si rasmi ah u hoostaga xabashida.

Sidaas si la mida Goodax Barre oo wasiir iyo xildhibaan kasoo noqday kooxda Villa Somaliya ayaa isagana horay u sheegay in dagaalka maleeshiyaadku kaga jiraan Hiiraan uu yahay mid lagu difaacayo dowladda xabashida Itoobiya.

Waxaa hadda xaalad qoob-gariir ah ku sugan maleeshiyaadka ku sugan degmada Maxaas, halkaas oo ay galeen firxadkii maleeshiyada ee sida dirqiga ah uga badbaaday weerarkii cag-marinta ee jihaadiyiintu ay kula wareegeen degmada Moqokori.

Related Items

Update cookies preferences