Wararka ka imanaya Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in qof hubeysan uu xalay laba qof ku diley.
Ninka wax diley ayaa ku hubaysnaa bistoolad, kaas oo goobtaasi ka baxsaday sida wararku sheegayaan.
Laamaha ammaanka maamulka Somaliland ayaa ka gaabsaday ka-hadalka dhacdadan, waxaanay warar hoose oonu helnay ay sheegayaan in dilkani uu salka ku hayo aano qabiil.
Goobjoogeyaal ku sugnaa goobta dilku ka dhacay waxa ay sheegeen in labada ruux ee la diley ay ahaayeen basleyaal. Maamulka Somaliland wali wax war ah kama soo saarin.
Maamulkan oo gadaal ka xooray ku dhaqanka shareecada, ayaa dhagar-qabayaal badan ku haya xabsiyada, isagoo fulinaya xeer bani’aadam, diiddanna qisaastii Ilaahay soo dejiyey.