Iyadoo xiisadda colaadeed ee ka dhisaalan gudaha Itoobiya ay kasii darayso marba marka ka dambayso, ayaa wararkii ugu dambeeyey ay sheegayaan xasuuq hor leh oo ciidanka Xabashida Itoobiya u geysteen dad rayid ah.
Ugu yaraan 11 qof oo rayid ah ayaa la dilay, 5 kalena waa la dhaawacay kadib markii ciidanka millateriga ee Xabashida Itoobiya ay dad shacab ah ku beegsadeen magaalo yar oo la dhaho Gedebye kuna dhow magaalada Gonder ee gobolka Amxaarada.
Falkan oo si weyn looga argagaxay ayaa galabnimada Axaddii lasoo dhaafay ka dhacay deggaankan oo dhaca waqooyi-galbeed Itoobiya sida qaybo ka mida warbaahinta maxalligu ay xaqiijisay.
Ilo-wareedyadan oo soo xigtay dad goob-joogayaal ah ayaa sheegay in dadkan la laayay lagala soo baxay guryahooda kadibna rasaas lagu fuaray, iyadoo isniintii lasoo dhaafayna loo sameeyey aas-wadareed.
Dhaqanka caynkan ah ee ciidamada Itoobiya ay kula kaceen dadka shacabka ah ayaa lagu sifeeyey inuu u eg yahay xasuuqii ka dhacay deggaanka Merwai ee gobolka Gojjam iyo deegaano kale.
Xaaladda dadka ku dhaawacmay weerarkan ayaa aad u liidata, iyadoo la sheegayo in dhibbanayaashu ay u badan yihiin dhalinyaro, balse ay ku jiraan ilmo yar oo 8 sano jir ah iyo Oday 80 sano jir ah.
Goob-joogayaal la hadlay warbaahinta Ethiopian Media Services (EMS), ayaa sheegay in xasuuqan uu ahaa mid aargoosi ah, kadib markii maleeshiyaadka Fano ay magaalada ku dhex dileen labo askari oo ka tirsanaa ciidanka maamulka Abiy Axmed.
Muddada uu dagaalku ka socdo gobolka Amxaarada oo gaareysa labo sano ayaa la diiwaan-geliyey xasuuqyo ay ciidamada Xabashida Itoobiya ka geysteen deggaannadaasi.