Qayladhaan ayaa ka soo yeeraysa Gobolka Awdal ee gobollada Waqooyi ee Somaliland, halkaas oo laga soo sheegayo abaar aad u daran.
Odayaasha gobolka ayaa baaq u direy dadka muxsiniinta ah in ay taageero ka geystaan sidii loo samatabixin lahaa dadka abaaruhu saameeyeen.
"Dadkeennii aynu ku dhaadanaynay way dhimanayaan, hantidii way ka dhammaatey, biyihii waa gabaabsi, ceelashii biyo waa laga waayey, dhirtii baa qallaleysa.." ayay yiraahdeen odoyaashu.
Biyo iyo baad ma jiro...sidaa awgeed waxaan baaq u dirayaa umadda Islaamka, umadda SL iyo dadka soomaaliyeedba in ay gurmadkaa wax ka soo taraan” Odey kamida dadka gobolka.
Dhanka kale waxa hadley Guddoomiyaha Gobolka ninka lagu magacaabo Cumar Xasan Xoday oo guddi u magacaabey samatabixinta abaaraha.
"Maaddaama oo gobolka ay ka jirto abaar ba’an si guud, annagoo la kaashanayna odayaasha iyo shacabkaba waxaan magacownay guddi ka qaybqaadanaysa abaaraha oo ka kooban 22 xubnood oo isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada” Cumar Xasan
Roobabkii xilliga gu’ga ayaa sannadkan aan si fiican uga di’in qaar kamida gobollada dalka gaar ahaan Awdal kaas oo sababey in biyo yaraani dhacdo.
Abaaraha ayaa dhowrkii sanoba mar saameeya dhulka Soomaalida.