Maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa soo saaray warsaxaafadeed ka dhan ah Dowladda Federaalka ee Villa Somalia.
Axmed-Madoobi iyo Siciid Deni oo maalmihii ugu dambeeyay shirar kulahaa magaalada Garoowe ayaa soo saarey qodoobbo ay ku cambaaraynayaan Xukuumadda Xasan Sheekh.
Labada maamul waxa ay sheegeen in DF beddshay waxa loogu yeero dastuurka Somalia ee kumeelgaarka ah kaas oo la sameeyay 2012.
Waxa kale oo qodobbada kamid ahaa in ay Federaalka ku eedeeyeen ku tagrifalka lacagaha shisheeyuhu siiyo Soomaaliya.
Waxa sidoo kale labada maamul ugu baaqeen kuwa loogu yeero Beesha Caalamka in ay soo faragaliyaan nidaamka hawada Soomaaliya maaddaama oo Federaalku siyaasadeeyeen kuna dhibaateeyaan hadba ciddii siyaasad ahaan ka soo horjeedda.
Puntland iyo Jubbaland ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay si cad uga soo horjeestay Villa Somalia iyaga oo ku eedeeyay dastuur jabin.
Waxaana xusid mudan in dagaal Xasan Sheekh ku qaaday Jubbaland uu ku jabay oo ciidankii metelay Federaalku ay iska dhiibeen Kenya.