Maamullada Puntland iyo SSC-Khaatumo ayay ka dhex-qaraxday xiisad salka ku haysa lahaanshiyaha deggaanno ay labada dhinacba sheeganayaan.
Ciidamo ka socda maamulka Puntland ayaa shalay gaaray deggaanka Shaxda ee gobolka Karkaar, halkaas oo ay maalin ka hor tageer saraakiil iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka SSC-Khaatumo.
Sida lagu sheegay war kasoo baxay booliska Puntland, maleeshiyaad hubeysan oo sheegtay inay kasoo jeedaan deegaanka Taleex ayaa si dhuumaaleysi ah ku galay Shaxda.
Shaxda, oo ku taalla xadka gobolka Sool ayay Puntland ku eedeysay SSC-Khaatumo inay ku hawlan tahay sheegashada dhul ka tirsan Puntland.
Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa ku eedeeyay madaxweynaha SSC-Khaatumo inuu isku dayayo in uu Puntland ka gooyo qaar ka mid ah gobolladeeda, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.
Geesta kale Madaxweyne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa sheegay in aysan ka aamusi karin sida uu sheegay qaabka waxbarasho ee ay wajahayaan ardayda ku nool degaanada SSC Khaatumo.
Lugatoor waxa uu sheegay in saddexdii sano ee ugu dambeysay ay ardayda ku nool gobollada Sool iyo Cayn la kulmayeen dib u dhac waxbarasho, kaddib markii maamulka SSC Khaatumo uu waxbarashada deegaanadiisa hoos geeyay dowladda Federaalka Soomaaliya.
Wasiirka Warfaafinta SSC-Khaatumo ayaa isagoo ka jawaabaya hadalka Lugatoor waxa uu yiri "Dowlad goboleedka SSC-Khaatumo kuma hawllana xumaanta maamulka Puntland, culays-na naguma hayo qof ka wel-welsan waxa uu ka shaqaynayo, shaqada qaran kayaga xil baa naga saaran, taayada na waa ku filan nahay”.
Khilaafka soo kala dhex galay labadan maamul ayaa meel adag maraaya, waxaana deggaannada ay haatan isku haystaan horey u sheegan jiray maamulka Somaliland oo labadooda oo wada jiraa ay ka saareen deggaannadaasi.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir: