Qormo cinwaan looga dhigay "Waxaa la joogaa waqtigii la joojin lahaa kaalmada millateri ee Soomaaliya" ayaa maanta lagu daabacay National Security Journal oo ah warbaahin fadhigeedu yahay Washington D.C oo ka faalloota siyaasadda amniga caalamka, gaar ahaan Maraykanka iyo arrimaha millateriga.
Qormadan oo faahfaahin ka bixinaysa fashilka ku yimid duullaanka gardarrada ah ee lagu soo qaaday dalka Soomaaliya iyo waxa haatan la gudboon waddamada maal-geliya, ayaa waxaa qoray Michael Rubin oo ah sarkaal horey uga soo shaqeeyey Pentagon-ka, haatanna ah xubin sare oo ka tirsan Machadka Ganacsiga Mareykanka iyo agaasimaha falanqaynta siyaasadda ee Madasha Bariga Dhexe.
Rubin waxa uu ugu horeyn ka sheekeeyey dedaalka xooggan ee dowladaha caalamku ay ku bixiyeen duullaanka lagu soo qaaday dalka Soomaaliya, waxaanu sheegay in dowladaha Maraykanka, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika ay taageero buuxda la barbar taagnaayeen kooxda Villa Soomaaliya oo ku dhawaad 20 Sano dagaal kula jirtay Jihaadiyiinta Al-Shabaab.
Maraykanka oo kaliya haddii la fiiriyo ayay tiri warbixintu, celcelis ahaan wuxuu sannadkiiba $ 100 US (Boqol Milyan) oo Dollar ku bixiyaa tababarka iyo qalabka maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya, waxaanu sidoo kale gacan ka geystaa tababarka calooshood-u-shaqaystayaasha Danaba ee uu sida gaarka ah u carbisto.
Tiradan kuma jiraan ayuu yiri falanqeeyuhu, kharashka hawlgallada millatari ee taageerada ah, oo ay ku jiraan daabulidda ciidamada Maraykanka, duqeymaha cirka iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee maleeshiyaadka lagu taageerayo. Sidoo kalena kuma jirto ku ku dhawaad $20 (Labaatan) Bilyan oo Dollar oo oo dawladda Maraykanku ay ku shubtay kaalmada horumarinta iyo taageerada kooxda Villa Somaliya.
Michael Rubin oo sii wata falanqayntiisan ayaa sheegay in dhanka kalena, Midowga Yurub uu taageero maaliyadeed iyo sahayba uu siiyo ciidamada calooshoos-u-shaqaystayaasha Afrikaanta ee duullaanka ku jooga Soomaaliya. Waxa kaloo ay fuliyaan barnaamijyo lagu dhiso awoodda maleeshiyaadka. Midowga Afrika, ayuu sidoo kale falanqeeyuhu xusay in Soomaaliya uu siiyo gawaarida gaashaaman, koofiyadaha iyo jaakadaha aan xabaddu karin.
Taageeradan noocan ah oo isugu biyo-shubatay hal bacaad lagu lisay ayuu Michael Rubin ku tilmaamay in aanay ahayn oo kaliya mid khasaarinaysa Balaayiin Doollar, balse waxay si firfircoon u wiiqaysaa ayuu yiri amniga Geeska Afrika.
Xasan Gurguurte oo labo jeer noqday madaxa kooxda Villa Somaliya ayay warbixintu ku tilmaantay shakhsi aan lahayn wax karti ah. Iyadoo hey'adda Transparency International ay mar walba Soomaaliya ku qiimeyso dalka labaad ee ugu musuqmaasuqa badan adduunka, kadib Koonfurta Suudaan.
"Tani waxay ahayd inay digniin u noqoto deeq-bixiye kasta, laakiin dagaalku dhibaatada wuu sii murjinayaa maadaama Muqdisho ay hubkeeda, ciidamadeeda, iyo dhaqaalaheedaba ka weecinayso ololaha ka dhanka ah Al-Shabaab.” Ayuu yiri Michael Rubin.
Siyaasigan Amerikanka ah ayaa soo bandhigay dhaqdhaqaaqa uu Xasan Gurguurte ka wado gobolka Sool, waxaanu sheegay in bishii Luulyo 6, 2025, kooxda Villa Somaliya ay ansixisay in hub la geeyo Laascaanood, si loo wiiqo Somaliland oo saaxiib la ah Taiwan.
Rubin waxa uu xusay in jihaadiyiinta Al-Shabaab ay muddooyinkan dambe isku fidiyeen dhul aad u fara badan kadib markii ay weerarro ba’an ku qaadeen maleeshiyaadka Gurguurte, gaar ahaan kuwii ku sugnaa gobolka Hiiraan, waxaanu sheegay in maleeshiyaadkaasi ay cagta fureen kana firxadeen aaggaasi.
"Dhab ahaantii, Reer Galbeedka iyo beesha caalamku waxay hadda maal-geliyaan riyooyinka kooxda Villa Somaliya iyo ajandaha siyaasadeed ee Xasan Gurguurte, iyagoo u oggolaanaya Al-Shabaab inay ballaarato oo ay hanaqaado.” Ayuu yiri Michael Rubin.
Madaxweynah Maraykanka Donald Trump iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Marco Rubio ayuu qoraagu ugu baaqay in ay joojiyaan oo lacag dambe aanay ku khasaarin wax aan waxba tarayn oo ay aqoonsadaan ayuu yiri khatarta ay leedahay musuqmaasuqa iyo damaca xun ee Xasan Gurguurte.