Jihaadiyiinta Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in goor dhawayd ay la wareegeen Tardo oo ah deggaan muhiim ah oo hoos-taga degmada Moqokori ee bariga gobolka Hiiraan.
Deggaankan ayay jihaadiyiintu ula wareegeen si nabad-gelyo ah kadib markii maleeshiyaadkii ku sugnaa ay cagta fureen, iyagoo ka baqaya dagaalyahannada Al-Shabaab.
Maleeshiyaadka uu ku adeegto Gurguurte ayaa deggaankan ku lahaa talis weyn, kaas oo qiyaastii 60KM u jira degmada Buulaburde, halka degmada Jalalaqsina u u jiro 45 KM.
Geesta kale, jihaadiyiinta Al-Shabaab ee ka hawl-gala gobolka Baay ayaa habeennimadii xalay hal-gal qarax ah ka fuliyey gudaha magaalada Baydhabo.
Hawl-galkan oo labo qarax ahaa ayaa lagu beegsaday maleeshiyaadka NISA ee deggen madaxtooyadii hore ee Baydhabo, kuwaas oo la sheegay in khasaare xooggani uu gaaray.