Taliyaha guud ee ciidanka dowlada Kenya, David Keter ayaa socdaal ku yimid gobolka Jubbada-Hoose, xili uu xaalad hubanti la'aan ah uu wajahayo dullaanka ciidamada kufaarta Afrikaanta.
David Keter ayaa socdaal indha indheyn ah ku maray saldhigyada ciidanka Kenya ay kaga sugan yihiin magaalooyinka Dhobley, Afmadow iyo Kismaanyo.
Socdaalkiisa ayaa lagu sheegay in uu daarnaa sidii kor loogu qaadi lahaa macnawiyaatka ciidanka Kenya oo mudada dheer ee sanadada ah ku go'doonsan xeryaha ay kaga suganyihiin koonfurta Soomaaliya.
Taliyaha guud ee ciidanka Kenya ayaa intii uu ku guda jiray booqashadiisa waxa uu soo hadal qaaday khatarta uga imaanaysa Jihaadiyiinta Al-Shabaab isaga oo marxladaan ku tilmaamay mid xasaasi ah.
Kumanaan ciidamo Afrikaan ah oo kasocda dowlada Kenya ayaa dullaan ashahaado-la-dirinimo ku joogga dalka Soomaaliya, iyaga saldhigyo dhowr ah ku leh gobolada Jubbada-Hoose iyo Gedo.
Kenya ayaa isbahaysiga ciidamada Afrikaanta kusoo biirtay sanadkii 2011, iyada oo natiijo qaraar ka dhaxshay dullaankaasi, kuna wayday kumanaan askari halka dhaqaalaha iyo amniga gudaha dalkeeda ay gaareen meeshii ugu xumeyd taariikhda.