DF oo ka hadashay dabka ka kacay Buurta Daallo ee gobolka Sanaag.

Saturday July 05, 2025 - 14:46:31
Liibaan Jeexoow
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay dabka ka kacay buuraleyda Gobolka Sanaag ee Daalo.
Reysal Waasare Xigeenka Federaalka Saalax Jaamac oo ku sugan dalka Spain ayaa ka hadlay qasaaraha uu keenay dabku.

Saalax oo magaalada Saville kaga qayb galaya shir looga hadlayey isbeddelka cimilada ayaa ka dhawaajiyey in sababta dabku ay tahay isbeddelka cimilada.

Saalax oo kelmad jeediyay waxa uu baaq u direy kuwa loogu yeero Qaramada Midoobey in ay soo caawiyaan dadka dhibtu gaadhey.

"Saacaddan aan idinla hadlayo waxa dab ka kacay buuraley ku taalla dalkeenna oo la yidhaa daalo...dadka qasaaruhu gaarayna waxay xaq u leeyihiin taageero” ayuu yiri

Somaliland oo ka talisa gobolka Sanaag gaar ahaan magaalo madaxda Ceerigaabo ayaa sheegtay in ay xakameeyeen dabka laakiin mar kabaad ayuu soo laba kacleeyay.

Sarkaal ka tiran Booliska Somaliland ayaa xusay in laga yaabo in gacmo kale ka dambeeyaan dabka, maaddaama oo uu ka kacay meel aan ahayn meeshii hore.

Related Items

Update cookies preferences