Kooxda Villa Somaliya ayaa aad uga walaacsan xaaladda qalqalka ah ee haysata maleeshiyaadkeeda ku sugan gobolka Hiiraan iyo horumarada dagaal ee ay samaynayaan xoogagga Al-Shabaab.
Waxaa aad u sii hordhay walaaca ay kooxda Xasan Sheekh ka qabto natiijada marba marka ka dambeysa kasoo baxaysa dagaallada ka socda gobolka Hiiraan ee lagu baacsanayo maleeshiyaadkooda iyo qoobgariirka ay wajahayaan.
Wasiirka gaashaandhigga kooxda Gurguurte Axmad Macallin Fiqi ayaa ka mid ah mas’uuliyiinta aad uga walaacsan xaaladda cabsida ah ee maleeshiyaadkooda ku sugan bariga Hiiraan ay la nool yihiin, wuxuunu si weyn u dhibsaday in laga hadlo halka ay wax marayaan, maadaama maleeshiyaadkii xaabada u ahaa uu jab xooggani ku socdo.
Fiqi ayaa aad uga carooday wararka isdaba joogga ah ee kaga imaanaya bariga gobolka Hiiraan gaar ahaan magaalada Moqokori iyo degaanada ku dhawdhaw ee ay warbaahintu soo tebineyso, wuxuuna war qoraal ah soo dhigay bartiisa Facbook-ga, isagoo soo qaadanaya mid kamid ah warbaahinada reer galbeedka war ay ka qortay xaaladda dhabta ah ee ka jirta halkaasi iyo in dagaalyahannada Al-Shabaab ay la wareegayaan degaano hor leh.
Wasiirka gaashaandhiga ayaa dhibsaday oraah ay adeegsatay warbaahintaasi oo ahayd ”Al-Shabaab oo ku sii siqaya degaano hor leh oo ka tirsan gobolka Hiiraan” taasoo ah xogta xaqiiqda ah ee ka jirta fagaaraha dagaalka, wuxuuna dafiray wasiirku jiritaanka arrintaasi.
Isku soo wada duuboo maleeshiyaadka Gurguurte ee ku sugan gobolka Hiiraan gaar ahaan deegaanada ay dagaalladu ka socdaan, ayaa wajahaya xaalad qalqal iyo casbi ah, waxaana meelaha qoob-gariirka ugu daran ka jiro ka mid ah magaalada Moqokori, oo ay askarta ku sugan halkaasi baqdin ka qabaan weerar cag-marin ah oo kaga yimaadda jihaadiyiinta Al-Shabaab.