Guddoomiyaha Golaha Wakiillada maamulka isku magacaabey Somaliland Yaasiin-Faratoon ayaa shirarka Laascaanood ka socda ku tilmaamay duullaan Soomaaliya ku soo qaadday Somaliland.
Faratoon oo ah xildhibaan laga soo doortey magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa qabtay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland ka dib markii uu iscasilay Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo isna laga soo doortey isla degmada Laascaanood ee gobolka Sool.
Khaliif ayaa iscasiley ka dib duullaankii Muuse Biixi ku qaadey Laascaanood. Siddeed bilood oo colaaddu socotey waxa magaalada laga saarey Ciidankii Somaliland.
Hadalka Faratoon ayaa ku soo beegmaya xilli Dowladda Federaalku qabanayso shir maamul loogu samaynayo dadka dega Khaatumo iyo Maakhir.
Madasha maamul samaynta waxa ku sugan Wasiirka Gudaha Federaalka iyo siyaasiyiin kale.
Geesta kale Maamul Goboleedka Puntland ayaa soo saarey warsaxaafadeed ay ku soo qabanayaan xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Puntland balse maanta iscasiley.
Puntland ayaa ku eedaysay in Cabdirashiid Jibriil oo mar ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland uu ku kacey abaabul ciidan oo ka dhan ah Puntland.