Dab xooggan oo ka kacay buurta Daallo ee gobolka Sanaag.

Monday June 30, 2025 - 19:31:32
Liibaan Jeexoow
Buurta Daalo ee ka tirsan silsiladda Buuraha Golis isla markaana dhacda gobolka Sanaag ayaa dab weyni ka kacay galinkii dambe ee maanta.
Dabkan oo aad u xooggan ayaa dadka deegaanka iyo masuuliyiinta gobolka Sanaag ay xakamayn kari waayeen illaa hadda.

"dabka qarxay ma aha mid annaga iyo in nala mid ahi toona ay xakamayn karto, beerihii way gubteen. In aan hadda dad wax noqon baanu kaantaroolaynaa” ayuu yiri guddoomiyaha Sanaag.

Dhanka kale waxa ka hadlay dabka kacay Wasiirka Deegaanka maamulka Somaliland Cabdullaahi Geeljire isaga oo sheegay in dabkani yahay kii ugu weynaa inta la xasuusto.

"Waxaan u malaynayaa in dabkani yahay kii ugu weynaa inta ka xasuusto, waxaan ciidamada farayaa in ay gurmadaan” ayuu yiri Geeljire.

Buuralayda Sanaag ayaa ah goob loo dalxiis-tago oo leh dhirta beeyada iyo fooxa isla markaana leh beero kala duwan.

Wali wax khasaare nafeed ah lama soo sheegin balse waxa la aamminsan yahay in ay hanti maaliyadeed ku gubatay.

Gobolka Sanaag maaddaama oo uu buuraley yahay waxa lagu tiriyaa inuu yahay meelaha ugu qabow dhulka Soomaalida.

Related Items

Update cookies preferences