Shirqoolkii loogu magac-darey 'Ankara Declaration' oo qarka u saaran in uu buro.

Sunday July 13, 2025 - 14:28:31
Liibaan Jeexoow
Waxa isa soo taraya wararka cusub ee sheegaya khilaafkii Soomaaliya iyo Itoobiya ee baddu in uu dib u qarxay.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa dhawaan safar ku tagay dalka Masar taas oo ka caraysiisey Xukuumadda Addis Ababa.

Sjda ay daabaceen wargeysyo Reergalbeed ahi waxa jira siyaasado isdiiddan iyo waddamo xiriirro dhaw kala leh oo la kala safan Ethiopia iyo Somalia.

Wargeyska African Intelligence ayaa daabacay dhowr cisho kahor in gebi ahaanba ay hakad galeen wadahadalladii Soomaaliya iyo Itoobiya ee uu Turkigu dhexdhexaadiyaha ka ahaa taas oo calaamad u noqon karta in uu halkaa ku burburay.

Wadahadalladan oo ahaa shirqool lagu dhagrayay ummadda Soomaaliyeed ayaa salka ku hayey meel-marinta heshiiskii siyaasadeed ee dhexmarey Hargeysa iyo Addis Ababa bishii January 2024.

Heshiiskaas oo aad looga dheregsanaa ayaa Itoobiya ku rabtey marin badeed ay iska leedahay halka Somaliland ay doonaysay aqoonsi.

20km oo aag badda ku aaddan ah ayaa Somaliland heshiiska ku xustay taas oo ay kaga kiraynayso Itoobiya muddo 50sano ah.

Soomaaliya oo aad uga xumaatey arrinkaas ayaa gashay dagaal diblomaasiyadeed oo gaarey in ugu dambayn Baaqii Ankara ayaa Itoobiya loogu oggolaaday marin badeed si loo soo afjaro MoU-ga Somaliland.

Soomaaliya waxa ay Itoobiya u soo bandhigtay dekadaha ku teedsan Badweynta Hindiya mid kamida sida Hobyo oo kale.

Itoobiya oo aan wali ka laaban MoU-ga Somaliland ay la gashey waxa aanay wali ku qanacsanayn dekadaha Badweynta Indiya iyaga oo ka doorbidaya dekedaha Baddacas iyo Gacanka Cadmeed.

Waxa arrinkan dab ku sii shiday dhammaystirka biyoxireenka Itoobiya ee Niilka kaas oo Masar si aad ah uga soo horjeeddo.

Si kastaba ha ahaatee waxa soo baxaya warar hoose oo sheegaya in Itoobiya ay Ciroo u dirtay casuumad gaar ah si uu uga dego Addis Ababa.

Related Items

Update cookies preferences