Maamulka Goboleedka cusub ee ay qorshihiisa waddo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay Laascaanood lagu qabanayaa dhammaystirkiisa maaddaama oo uu qabyo ahaa.
Xubno xildhibaanno iyo siyaasiyiin ka tirsan Federaalka ayaa hadda ku sugan Laascaanood kuwaas oo wada hirgelinta labada maamul.
Waxaana lagu wadaa in la dhiso maamul cusub oo ay ku midaysan yihiin bulshooyinka Maakhir iyo Khaatumo. Isimada dhaqanka ee Khaatumo iyo Maakhir ayaa se si weyn uga soo horjeestay abaabulka ay waddaan Firdhiye iyo Dowladda Federaalku.
Guddoomiye Xigeenka Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa sheegay in 34 sano gobolladani ka marnaayeen horumar kuwaas oo aanay gaarin Dowladda Soomaaliya.
Maamulka Somaliland oo isagu dhismay markii ay duntay Xukuumaddii Kacaanka ee Siyaad Barre ayaa haystay gobollada Sool iyo Sanaag intooda badan, waxa se xoog looga saarey 25 Ogoosto, 2023.
Dhiska maamulkan cusub waxa si weyn uga soo horjeeda maamulka Puntland oo isagu u arka mid lagu duminayo halka Somaliland ay maqnaanshaha gobolladan ee gacanteeda ka maqan u aragto mid wiiqaysa qaddiyaddii goonni goosiga ahayd ee 34-kii sano ee u dambeeyay ay dabada ka riixaysay.