Waxa maalintii shalay ahayd tagey magaalada Hargeysa wefti ka socda kuwa loogu yeero Midowga Yurub iyaga oo la kulmay madaxweynaha maamulka Somaliland Cabdiraxmaan-Cirro.
Waftigan waxa hoggaaminaysay habar lagu magacaabo Annetta Weber oo Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Geeska Afrika, waxa kale oo ku wehelinayey wakiillo kale oo waddamada Reergalbeedka ka socday.
Warsaxaafadeed ka soo baxay maamulka Somaliland ayaa lagu sheegay in laga wada hadlay arrimaha nabadda iyo xasilloonida geeska isla markaana lagu xoojinayo xiriirka SL iyo EU.
"kulankan waxaan diiradda ku saarnay xoojinta iskaashiga iyo wadashaqaynta u dhexaysa Somaliland iyo Midowga Yurub” ayaa lagu yiri
Sida lagu xusay warsaxaafadeedka ka soo baxay SL waxa Midowga Yurub ku hambalyeeyeen Somaliland in ay ‘Qarameeyeen’ ciidammo malleeshiyo beeleedyo ahaa oo lagu qiyaasay ilaa 6kun.
Somaliland waxa bishii ina dhaaftey booqasho ku yimid saraakiisha ugu sarreysa AFRICOM kuwaas oo kulan la qaatey Cirro.
Reergalbeedka ayaa u muuqda in ay danayn intii hore ka badan siinayaan maamulka isku magacaabey Somaliland.