Somaliland oo sheegtay in aan dowladda Federaalku aanay ka seexan safarkii Cirro ee Qadar.

Tuesday July 01, 2025 - 14:05:28
Liibaan Jeexoow
Wasiirka Warfaafinta maamulka isku magacaabey Somaliland ayaa markii ugu horreysay ka hadlay safarka Cirro ku joogo Qadar kaas oo hadal hayn weyn dhaliyey.
Axmed-Yaasiin oo ah Wasiirka Warfaafinta Somaliland waxa uu ka dhawaajiyey in Qadar ka daashay caawintii Soomaaliya.

"Qadar xidhiidh waa ay la leedahay Soomaaliya laakiin waxa xaqiiqo u noqotay in aanay sii dhaamin karin foosto dabo la’”. Ayuu yiri

Waxa kale oo uu intaa ku daray in madaxtooyada Soomaaliya aan laga seexan saddexdii cisho ee uu Cirro Qadar joogay siyaasiyiin Federaalka ka tirsanina ay cambaareeyeen Qadar.

Mar wax laga weydiiyay in Qadar ku tilmaamtey Somaliland gobol kamid ah Soomaaliya waxa uu sheegay in hadalkaasi ahaa war diblomaasiyadeed.

"Markii xukuumaddii naga horreysay ay MoU-ga la saxiixatey SL waxa lays dhaafsadey marin badeed ay Itoobiya hesho iyo in Somaliland la ictiraafo laakiin marwalba Abiy wuxu lahaa waxba uma dhimayno madaxbannaanida Soomaaliya, taasina waa dublomaasiyadda” Ayuu yiri wasiirku.

Axmed-Yaasiin waxa uu sheegay in Qadar oo ay la colloobaan ay ka wanaagsan tahay in ay ugu yaraan hoos dhigaan cadaawadda dalkaas.

C/Raxmaan-Cirro ayaa dabayaaqadii bishii dhammaatey safar ku Dowxa kaas oo aan wali ka soo laaban.

Related Items

Update cookies preferences