Dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ka socda Laascaanood.

Wednesday July 09, 2025 - 15:16:45
Liibaan Jeexoow
Magaalada Laascaanood ee xarunta u ah gobolka Sool ee Gobollada Waqooyi ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo lagu beddelayo Madaxweynaha maamulka SSC-Khaatumo Firdhiye.
Firdhiye ayaa markii maamulkaa la samaynayey loo doortay in uu hoggaamiyo Khaatumo laba sano oo kumeelgaar ah.

Siyaasiyiinta ugu waaweyn ee u ordaya hoggaanka Khaatumo waxa kamid ah Cabdirasaaq Khaliif oo hore u ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland iyo Axmed Karaash oo isna soo qabtay xilka Madaxweyne Xigeen ee Puntland.

Dhanka kale waxa siyaasiyiintani ka soo horjeesteen go’aankii Dowladda Federaalku ay ku hoos keenaysay gobolka Sanaag qaybo kamid ah SSC-Khaatumo si looga dhigo maamul goboleed dhammaystiran.

Warsaxaafadeed wadajir ah ayey ugu baaqeen Firdhiye in marka hore uu doorashada qabto dibna loo dhigo mideynta siyaasadeed ee Khaatumo iyo Maakhir.

"Reer Maakhir oo mideysan ayaan sugaynaa laakiin hadda doorasho halla qabto” ayay yiraahdeen siyaasiyiintani.

Go’aannada Federaalka waxa sidoo kale ka soo horjeestay Suldaanka guud ee Maakhir Suldaan Siciid isla markaana Dowladda Federaalka ugu baaqey in ay ka fogaato isku dirka waa sida uu hadalka u dhigey eh.

"Waxaan DF ugu baaqaynaa in ay qabato wixii loo doortay kana fogaato isku dirka beelaha walaalaha ah” Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan.


Related Items

Update cookies preferences