Reysal Wasaaraha dalka Qadar ayaa maanta kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Maamulka la baxay Somaliland Cabdiraxmaan-Cirro.
Wasaaradda Khaarajiga Qadar oo warsaxaafadeed soo saartey ayaa sheegtay in si rasmi ah Reysal Wasaaraha Qadar isla markaana ah Wasiirka Dibeddu u qaabilay Cabdiraxmaan-Cirro.
Wasiirka Dibedda ahna RW dalkaas Sheekh Maxamed Bin Cabdiraxmaan Aala Thaani ayaa kala hadlay Cirro arrimo la xiriira xaalka Soomaaliya, sidii loo xaqiijin lahaa deggenaanta arrimaha amniga Soomaaliya iyo sidoo kale xoojinta xiriirka labada dhinac ee Qadar iyo Somaliland.
Waxa sidoo kale warsaxaafadeedka lagu xusay in tallaabadani aanay waxba u dhimayn madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya iyo midnimadeeda.
Sidoo kale bayaan goor dhawayd kasoo baxay xafiiska madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in Cirro uu kalankaasi ka sheegay in Somaliland ay tahay dal madax-bannaan oo 34-kii sano ee ugu dambeeyey iskii isku maamulayay, isla markaana marnaba aanay qayb ka noqon dhismaha dowladda Federaalka Soomaaliya.
Somaliland waxa dhawaan kasoo degay wafti uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka AFRICOM ee Mareykanka taas oo ilo wareedyada qaar sheegayaan in loogu sii gogol-xaarayey shir looga hadlayo amniga Soomaaliya oo Cirro kaga qayb galayo Qadar.
Qaabilitaanka Reysal Wasaaraha iyo Wasiirka Dibedda Qadar ayaa muujinaya sida ay u danaynayaan xiriirka Somaliland, iyadoo marti-qaadkani ka yimid dhinaca Qadar sida ay wararku sheegayaan, madaxtooyada Somalilandna ka dhawaajisay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya wali wax war ah kama soo saarin kulankan dhex-maray labada dhinac iyo waxa uu daarran yahay.