Ugu yaraan shan qof oo isku qoys ah ayaa lagu soo warramayaa in ay geeriyoodeen kadib markii dhul-go' xooggan oo ka dhashay roobab mahiigaan ah uu ka dhacay deggaanka Komer oo ku yaalla koonfurta degmada Ari ee gobolka Ari oo ka tirsan ismaamulka federaalka ee koonfurta Itoobiya, sida mas'uuliyiinta deggaanku ay xaqiijiyeen.
Ashenafi Haile oo ah taliy-xigeenka iyo sidoo kale agaasimaha xiriirka dadweynaha ee booliska gobolka Koonfurta Itoobiya ayaa sheegay in dhul-ga’ani uu dhacay Axaddii shalay, kadib roobab xooggan oo ka hooray deggaanka.
Agaasimuhu wuxuu carabaabay in dhul-go’ani uu sidoo kale geystay burbur hantiyeed oo baaxad leh waxaanu yiri isagoo arrintan ka hadlaya "Hal qoys, oo ay ku jiraan aabbe, hooyo, iyo saddexdooda carruur ah, ayaa ku dhintay dhul-go’aasi, kadib markii gurigoodu uu ku dumay".
In ka badan 200 oo qof oo deggaanka ah ayaa lagu soo warramayaa in ay barakaceen, waxaana sidoo kale burbur xooggani soo gaaray kaabayaashii deggaanka, sida ay warbaahinta u sheegeen mas’uuliyiinta gobolku. Dadka deggaankaasi ayaa u badan qoomiyadda Ari.
Bishii Todobaad ee sanadkii hore ee 2024 ayay ahayd markii sidan oo kale ku dhawaad 260 qof ay ku dhinteen dhul-go’ baaxad leh oo ay sababeen roobab mahiigaan ah oo ka da’ay aagga Gofa ee deggaanka Kencho Shacha ee Ismaamulka Koonfurta Itoobiya.