SAWIRRO: Ugu yaraan 30 askari oo lagu dilay weerarro ka dhacay Burkino Fano.

Tuesday July 22, 2025 - 11:09:34
Liibaan Jeexoow
Khasaare baaxad leh oo isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed ayaa la gaarsiiyay ciidamada dowladda Burkiina Faso, kaddib markii Jihaadiyiinta Nusratul-Islaam Wal-muslimiin ay weeraro culus ka fuliyeen deegaanno dhaca dalkaasi.
Weerarka koowaad waxay jihaadiyiintu ku beegsadeen bar ciidan oo maleeshiyada Burkina Faso kaga sugnaayeen deegaan ka tirsan gobolka Kalbilogo, halkaas waxaa maleeshiyaadka looga dilay ugu yaraan 10 askari, halka lagu soo furtay hub, rassaas iyo agabyo kale oo kuwa ciidanka ah.

Weerarkan ayaa dhacay sabtidii lasoo dhaafay, waxay isla maalintaas sidoo kale jihaadiyiintu weerareen bar ciidan oo ciidamad Burkiina Faso ku leeyihiin gobolka Fadargorma, waxayna halkaas ku dileen saddex askari, halka ay kusoo furteen hub, rassaas, mootooyin iyo agabyo kale oo kuwa ciidanka ah.

Dhanka kale, ugu yaraan 13 askari oo ka tirsanaa ciidanka Burkiina Faso ayaa lagu dilay saddex baro ciidan oo maleeshiyaadka Burkiiniyiinta ay kaga sugnaayeen mandiqadda Lankoy, waxayna soo furteen jihaadiyiintu hub, rassaas iyo agabyo kale oo millatari.

Weerarka 3-aad waxay jameecada Nusratul Islaam ka fuliyeen mandiqadda Samati ee gobolka Didogo, waxaa weerarkan lagu dilay 5 askari oo ka tirsanaa maleeshiyada Burkina Faso, halka lagu soo furtay 7 mooto-dhugdhugley ah iyo agabyo kale oo ciidan.

Mu’assasada Al-zallaqah oo ah garabka warbaahineed ee Jameecadaasi jihaadiga ah ayaa faafisay sawirrada qaar ka mid ah weerarada, waxayna soo bandhigtay maydadka askarta Burkiina Faso iyo agabyadii kala duwan ee jihaadiyiintu ay gacanta ku dhigeen.

Related Items

Update cookies preferences