R/Wasaaraha Itoobiya oo casuumad jeesjees ah u diray dalalka Masar iyo Suudaan.

Thursday July 03, 2025 - 15:46:31
Liibaan Jeexoow
Abiy Axmed oo ah R/wasaaraha Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in bisha September ee sanadkan 2025, si rasmiya loo daah-furi doono biyo-xireenkii muddada ka badan tobanka sano dhismihiisu socday ee webiga Niil.
Kalmad uu R/wasaaruhu maanta ka hor-jeediyey golaha baarlamaanka Itoobiya ayuu ku sheegay inuu casuumaad u diray Masar, Suudaan iyo dhammaan dalalka kale ee la wadaaga webiga Niil, si ay uga soo qayb-galaan ayuu yiri xafladda xarig-ka-jarka biyo-xireenka Al-Nahda.

Casuumaddan ayaa la aaminsan yahay inay tahay mid jeesjees ah oo R/wasaaruhu ula bareeray dalalka Masar iyo Suudaan oo si weyn uga soo hor-jeedda biyo-xireenka Al-Nahda, maadaama uu halis ku yahay jiritaankooda nololeed.

Hadalkan kasoo yeeray Abiy Axmed ayaa imanaya maalmo kadib markii dowladda Masar ay daboolka ka qaadday in gebi ahaanba uu burburay wada-xaajoodkii iyaga iyo Itoobiya u socday muddada badan ee ku saabsanaa biyo-xireenka webiga Niil.

Dr Badar Cabdul-Caadi oo ah wasiirka arrimaha dibadda Masar ayaa sheegay inay u diyaar-garoobeen ka hor-tagga wax kasta oo halis gelin kara jiritaankooda nololeed, maadaama uu fashilmay ayuu yiri wada-hadalkii ku saabsanaa biyo-xireenka Al-Nahda.

Waxa uu caddeeyey wasiirku in arrinta biyuhu ay tahay hanjabaadda ugu weyn ee masiir ahaan uu wajahayo dalka Masarm kadib markii ay guul-darraysteen wada-xaajoodyo muddo 12 sano ah u socday labada dowladood ee Masar iyo Itoobiya.

"Waa inaan si buuxda ugu kalsoonnaanaa dowladdeenna iyo hey’adaha qaranka inaysan oggolaan doonin, xaalad kasta ha timaaddee, in la taabto arrintan khatarta ugu weyn ku ah jiritaanka Masar." Ayuu yiri Dr Badar u sheegay ON TV, isagoo carabka ku adkeeyey in marnaba aanay oggolaan doonin ku xad-gudubka saamigooda biyaha webiga Niil.

Ugu dambayn, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Socdaalka ee dalka Masar wuxuu si cad u sheegay in dowladdiisu ay xaq u leedahay inay isdifaacdo haddii ay la kulanto hanjabaad, gaar ahaan mid ku wajahan danahaheeda biyaha Niil.

Related Items

Update cookies preferences