Ururka lagu magacaabo Golaha Sare ee Dhaqaalaha Afrika iyo Carabta ayaa maanta kulan la yeeshay madaxweynaha maamulka la baxay Somaliland Cabdiraxmaan-Cirro.
Warsaxaafadeed uu soo saarey maamulku ayaa lagu sheegay in 9 xubnood oo uu ku jiro Madaxweynaha ururka oo la yiraahdo Dr Haani Xasan Abu Seyd ay la kulmeen Cirro.
Ururkan ayaa sheegay in ay xarun ka furan dooonaan Magaalada Hargeysa isla markaana ay indho-indhayn doonaan fursadaha maalgashi ee ka bannaan Somaliland.
Cirro ayaa intii uu xilka hayey aad isugu howlay in uu fursado maalgeshi usoo bandhigo dalalka Carabta iyo maamulladooda.
Ururkan SCAAE[Supreme Council of Arab-African Economy] oo lagu aasaasey Faransiiska waxa ku bahoobey ganacsadeyaal iyo shirkado waaweyn waxaana uu ka diwaangashan yahay "Qaramada Midoobey” sida warbixinuhu tibaaxayaan.
Maalgashiyada ururkani sameeyay ma cadda in ay guulaysteen balse waxa la sheegaa in dalal dhowr ah oo ay kamid yihiin Ghana iyo Burkina Faso ay ka fuliyeen mashruucyo.