Sarkaal sare oo ka tirsanaa xukuumadda Abiy Axmed oo lagu dilay gobolka Amxaarada.

Tuesday July 22, 2025 - 11:04:24
Liibaan Jeexoow
Hawl-gal ay fuliyeen koox hubaysan oon haybtooda la aqoon ayaa lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Xabashida Itoobiya, kaas oo ka dhacay qaybta koonfurteed ee gobolka Wollo oo ka tirsan degaanka Amxaarada, sida ay sheegtay warbaahinta maxalliga ah ee Itoobiya.
Sarkaalkan oo lagu khaarajiyey meel u dhow gurigiisa ayaa magaciisa lagu sheegay Getahun Ayale Birru, waxaanu ahaa madaxii xafiiska degmada (Woreda) Delanta ee gobolka Koonfurta Wollo, sida lagu xaqiijiyey bayaan kasoo baxay Golaha maamulka degmada Delanta.

Maamulku waxa ay sidoo kale ka sanqariyeen in sarkaalkan ay dileen koox aan la garanayn, kuwaas oo kasoo toogtay meel fog oo qiyaastii 50 Mitir u jirta gurigiisa. Waxaanay carabaabeen in dilkaasi uu dhacay waaberigii hore ee subaxnimadii sabtida.

Warar aan la xaqiijin oo ay soo xigatay warbaahinta Itoobiya ayaa sheegay in dilka sarkaalkan ay ka dambaysay jabhadda Fano, kuwaas oo saraakiisha dowladda uga digay in aanay wax wada-shaqayn ah la yeelan ciidanka dowladda Xabashida Itoobiya.

Deggaankan lagu dilay sarkaalkan ayay wararku tibaaxayaan inuu ahaa mid xaaladdiisu ay ka roonayd deggaannada kale, marka loo eego dilalka lagu beegsado saraakiisha dowladda, arrintaas ayaa haatan u muuqata mid meesha kasii baxaysa.

Waa dhacdadii labaad ee nooceeda ah oo soo marta gobolkan wax ka yar 10 cisho gudahood, usbuuc ka hor uunbaanay ahayd markii la dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa degmo ku taal gobolkaasi, kaas oo ahaa madaxa xafiiska amniga ee degmada Argoba ee ismaamulka Amxaarada.

Related Items

Update cookies preferences