Wax ka ogow dulucda safarka Cirro ee dalka Qadar. [WARBIXIN]

Sunday June 29, 2025 - 11:39:26
Liibaan Jeexoow
Madaxweynaha maamulka gobollada waqooyi ee la baxay Somaliland Cabdiraxmaan-Cirro ayaa maalintii shalay ahayd ka duulay Magaalada Hargeysa isaga oo u kicitimay dalka Magaalada Dowxa.
Haddaba waxa aynu qormada ku soo qaadan doonnaa 3 waxyaabood oo laga yaabo in aanad ka ogayn safarka Cirro.

1: Sida la ogyahay maamulka daba-dhilifka Somaliland waxa soo marey lix madaxweyne oo kan ugu dambeeyaa uu yahay Cirro.

Shantii madaxweyne ee hore waligood midna ma tagin dalka Qadar sababta oo ah Xukuumadda Dowxa waxa ay taageertaa in Soomaaliya mid ahaato, taas baanay dhaqaale weyn ku bixin jirtey illaa xilligii Farmaajo.

Haddaba booqashada Cabdiraxmaan oo martiqaadkiisa ay lahayd Dowladda Qadar ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee madaxweyne Somaliland ah lagu casuumo.

Waxaanu noqon karaa majare cusub oo maamulka Somaliland u furmay iyada oo isha lagu hayo bal waxa uu kala kulmo Cirro iyo sida ay u qaabilaan.

2: Qadar waa dowlad yar oo daba-dhilif ah oo dadkeedu tiro yar yahay balse diiradda saarta in ay heshiis dhexdhigto kooxaha badanaa iska soo horjeeda, iyadoo mus-dambeedna ay u yihiin dowladaha awoodda sheegtaa.

Waxa ay hore shirar ugu qabatey ururka Daalibaan ee hadda haya talada Immaarada Islaamiga ah ee Afgaanistaan iyo isbahaysigii Mareykanka. Kadib markii uu Maraykanku ku miciyo-beellay dagaalkii uu la galay mujaahidiinta Daalibaan.

Tan waxa laga yaabaa in ay barbilow u noqoto jiho cusub oo ay qaaddo siyaasadda Soomaalidu.

3: Cirro oo intii uu Somaliland madaxweynaha ka noqday arrimaha dibedda dedaal badan galiyey.

Waxaana la aaminsan yahay in sumcaddiisa ay kor u qaadday kadib markii waxa loogu yeero Beesha Caalamka uu u sheegay in aanay u baahnayn mucaawimo iyo lacago tuugsi ah balse ay u baahan yihiin wax wada qabsi.

Tan ayaa u falanqeeyayaasha qaarkood ku tilmaameen in ay keentay in safiirro badan oo dalalka dibadda ahi usoo istaagaan, maantana uu martiqaad ka helo dalka Qadar oo aan weligii qaabilin madaxweyne ka socda Somaliland.

Related Items

Update cookies preferences