Reysal Wasaaraha Federaalka Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in ay jiraan xildhibaanno ka soo jeeda Ingiriiska oo u ololaynaya kala goynta dalka.
Xamse wuxu dadka Soomaalida ah ee ku nool Ingiriiska ugu baaqey in ay ku bannaanbaxaan xildhibaannadaas.
"Waxaan qabnaa dadka UK kunoolow haddii hal maalin aad isu soo baxdaan in aan xildhibaankaasi waxaa samayn doonin mardambe” ayuu yiri
Sidoo kale waxa uu ka hadlay in dalka ay ka jiraan siyaasiyiin kala goynaysa oo aan Somaliland uun ahayn.
"Marka goonni-goosi lasoo hadal qaado waxa maskaxdiinna kusoo degdegaysa Somaliland. Somaliland waa libaax ciyey laakiin libaaxyo badan oo aamusan ayaa jira” Xamse
Hadalka Xamse ayaa ku soo beegmaya xilli Federaalka ay dagaal adag kala dhexayso Puntland oo ah maamul Federaalka oggol laakiin diiddan habka xukuumadda Federaalku wax u waddo.