Xilli saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ay muslimiinta ku kala nool caalamka u dabaal-degayeen Ciidul-adxaa oo ka mid ah saddexda ciidood ee ay muslimiintu leeyihiin, ayay si la mid ah farxadda ciidda u muujiyeen Jihaadiyiinta Al-qaacidda ee ka hawl-gasha galbeedka qaaradda Africa.
Mu’assasada Al-zallaqah oo ah garabka warbaahineed ee Jameecada ayaa faafisay sawirro muujinaya sida looga ciiday dhulka ay gacanta ku hayaan ee ku kala yaal dalalka dhaca galbeedka qaaradda Africa.
Si aad u hesho wararka iyo warbixinnada SOMALIMEMO kusoo biir: