SAWIRRO: Khasaaraha roobab mahiigaan ah oo ka da'ay dalka Kuuriyada Koonfureed.

Thursday July 17, 2025 - 15:28:31
Liibaan Jeexoow
Ugu yaraan 4 qof ayaa ku dhintay, 1,000 qof oo kalena waa ay ku barakaceen kadib markii roobab mahiigaan ah ay ka da'een dalka Kuuriyada Koonfureed, sida wasaaradda amnigu ay shaacisay maanta oo khamiis ah.
Qof dirawal ah ayaa Arbacadii shalay geeriyooday kadib markii uu kusoo dumay darbi ku yaallay mid ka mida jidadka magaalada Osan oo qiyaastii 44 KM u jira koonfurta Seoul, sida saraakiil ka tirsan dab-demisku ay xaqiijiyeen.

Qof kale ayaa isagoo mayd ah laga helay gudaha gaari ay daadadku qaadeen oo ku sugnaa magaalada Seosan, ee gobolka South Chungcheong, sida ay sheegtay Reuters.

Gobolka South Chungcheong oo dhanka koonfureed ka xiga caasimada dalkaasi ayaa waxaa ka bilowday roob da;ayay tan iyo maalintii Arbacada, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga.

Magaalada Gwangju, oo qiyaastii 267 KM u jirta koonfurta Seoul, ayaa gebi ahaanteedba biyahu ay qariyeen muddo labo saacadood gudahood ah.

Ugu yaraan 403 iskuul ayaa la xiray, 166 kalena waxaa soo gaaray burbur baaxad leh oo ka dhashay roobabkan mahiigaanka ah oo da'ayay ilaa maanta oo khamiis ah, sida ay sheegtay Wasaaradda Waxbarashada.

Related Items

Update cookies preferences