Golaha Wakiillada maamulka Somaliland oo galey shir albaabuadu u xiran yihiin.

Saturday April 12, 2025 - 11:44:11
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya maamulka Somaliland ayaa sheegaya in Golaha Wakiillada ee maamulkaasi ay saaka galeen shir albaabadu u xiran yihiin.
Golahan oo uu guddoominayey Yaasiin-Faratoon oo Guddoomiyaha Golaha lagana soo doortay Magaalada Laascaanood intii Somaliland haysatey ayaa la sheegay in lagaga hadli doono safarka Xamse Cabdi Barre uu ku imanayo Laascaanood.

Faratoon ka hor waxa golahan hoggaamin jirey Cabdirasaaq Khaliif oo iska casiley xilkaas xilligii colaaddu ka jirtey gobolkaas.

Somaliland ayaa walaac xooggan ka muujinaysa safarka Reysal Wasaaraha Federaalka ee Laascaanood halkaas oo muddo 30sano ka hor ah ay ugu dambaysay in ay Xukuumadda Soomaaliya tagto.

Somaliland ayaa dhowr jeer ka hadashay safarka Xamse iyaga oo mar sheegay in ay Mareykanka kala hadleen baajinta safarka Xamse halka markale ay cambaareyn ku koobsadeen.

Safarka Xamse ayaa dadka qaar sheegayaan in lagu qarinayo jihaadiyiinta Soomaaliya oo la wareegay dhulal hor leh oo ay gacanta ku haysay Dowladda Federaalku.

Related Items

Update cookies preferences