Ex Wasiir Cawad oo warqaddii Gurguurte u qoray Trump ku tilmaamay mid quus ah oo fursad siinaysa Somaliland.

Saturday March 29, 2025 - 17:13:45
Liibaan Jeexoow
Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay warqad Gurguurte u diray Donald Trump oo ku baaqaysay in Maraykanku hadiyad ahaan u qaato dekedaha waqooyiga Soomaaliya iyo saldhigga Balli-doogle.
Axmed Ciise Cawad ayaa warbaahinta ingiriiska u sheegay in warqaddan ay ka muuqato deg deg, tabar-darni iyo quus uu Xasan Gurguurte qabo, isagoo intaa raaciyey in warqaddani aanay mudnayn in la arko.

Cawad waxa kale oo uu carabaabay inaysan muuqan ilaa hadda waxa ay Soomaaliya dhankeeda ka helayso qorshahan Gurguurte.

Waxa kale oo uu iftiimiyey in warqaddan ay dan u tahay Somaliland isla markaana ay ka dhalan karto inay cod xooggan oo ka badan inta hadda codkoodu dhan yahay Somaliland ay siiso, kana faa’idaysato.

Warbaahinno kale ayaa iyaguna lafa-guray warqaddan Gurguurte u qoray Trump oo ay ku sifeeyeen mid ay ka dhalan karto in ay soo dhawayso aqoonsiga Somaliland.

Ergaygii hore ee Mareykanka u qaabilsanaa arrimaha Afrika Peter Pham ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay dekedo u soo bandhigto Maraykanka, si ay uga hortagto aqoonsiga Somaliland.

Pham, oo ka mid ah siyaasiyiinta aadka ugu dhow Madaxweyne Trump, ayaa qoraal uu ku baahiyay bartiisa X tilmaamay in Maraykanka aan la siri karin.

Waxa uu sheegay in arrintani ay cay ku tahay Trump, isagoo xusay in sannad kasta hal bilyan oo dollar uu Maraykanku siiyo Soomaaliya, taasoo uu sheegay inay khasaare ay ku tahay cashuur-bixiyeyaasha Maraykanka.

"Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu u haystaa in Maraykanku doqon yahay oo uu inoogu deeqi karo dekedaha muhiimka ah ee Somaliland & Puntland oo aanu maamulin!” ayuu yiri Peter Pham.

Related Items

Update cookies preferences