Wasiirka Warfaafinta maamulka isku magacaabey Somaliland ayaa markii ugu horreysay ka hadley wararka sheegaya in magaalada Laascaanood uu imanayo Reysal Wasaaraha Dowladda Federaalka Xamse Cabdi Barre.
Wasiirka Warfaafinta ee SL Axmed-Yaasiin Sheekh oo ka hadley booqashada Xamse waxa uu ku tilmaamey in ay tahay mid uu xasarad cusub uga abuurayo Somaliland.
Waxa uu intaa ku darey in Xasan Sheekh iyo Xamse aaney aamminsanayn Federaalka ay sheegayaan sababtoo ah waxa ay la heshiin lahaayeen Puntland iyo Jubbaland oo Federaalka la oggol.
"Xasan iyo Xamse Soomaaliweyn ma aamminsana waayo waddadeedii bay mari lahaayeen, Federaalkana ma aamminsana oo Puntland iyo Jubbaland bay la heshiin lahaayeen” Axmed-Yaasiin
Dhanka kale waxa uu ka xusay in ay xoog iyo xeeladba Xamse kaga difaaci doonaan Laascaanood. Somaliland ayaa gacanteeda laga saarey Laascaanood bishii August 2023 ka dib muddo siddeed bilood ah oo uu dagaal ka socday.