Weerar gaadmo ah oo mar kale lagu laayay dad rayid ah oo ka dhacay Itoobiya.

Saturday April 12, 2025 - 15:29:35
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya Itoobiya ayaa sheegaya ugu yaraan 7 qof oo lagu dilay weerar lagu beegsaday gaari dadweyne oo maraayay degmada Abe Dongoro ee deggaanka Horo Guduru Wollega ee gobolka Oromada.
Sida ay wararku tibaaxayaan weerarkan ayaa dhacay Arbacadii lasoo dhaafay, waxaana mid ka mida dadkii ka badbaaday oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah uu sheegay in falkaasi ay fuliyeen maleeshiyaadka amxaarada ee Fano.

Goob-joogahan ayaa intaas raaciyey in dablay hubaysani ay gaariga dadweynaha soo weerareen isla markaana rasaas oodda kaga qaadeen, waxaanay halkaasi ku dileen ayuu yiri 7 qof. Halka 4 kalena ay dhaawacmaan loona qaaday cisbitaalka degmada Abe Dongoro.

Weerarkan ayaa yimid toddobaad uun ka dib markii weerar kan la mid ah oo ay ku dhinteen in ka badan 20 ruux, saddex kalena lagu afduubay uu 28-kii Maarso 2025 ka dhacay isla degmadaasi, kaas oo mas’uul ka tirsan maamulka degmadaasi uu ku eedeeyey jabhadda Fano.

Deegaanka Horo Guduru Wollega oo ku yaalla galbeedka gobolka Oromada ayaa waxaa sanadadii lasoo dhaafay ka dhacayay weerarro xooggan oo sababay iska hor imaadyo hubaysan oo u dhaxeeya ciidamada dowlada iyo kooxaha hubaysan ee ay ka mid yihiin Jabhadda Oromada (OLA) iyo maleeshiyaadka Fano ee kasoo jeeda deegaanka la deriska ah ee Axmaarada.

Geesta kale, R/wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa Getachew Reda, madaxweynihii hore ee ismaamulka Tigrey-ga u magacaabay Wasiirka arrimaha bariga Afrika.

Getachew Reda ayaa maalmo ka hor uu Abiy Axmed ka xayuubiyey xilka M/weynaha gobolka Tigreyga, sabababo la xiriira xiisadda amni ee deggaankaasi oo kasii daraysa.

Tallaabadan ayaa la aaminsan yahay in ay sii hurin karto kala-qaybsanaanta sii kordheysa ee ka jirta gobolka Tigrey-ga.

Gobolkan ayaa la kacaa-kufaaya dhibaatooyinka ka dhashay dagaalkii labada sano socday ee dhex-maray Jabhadda Tigrey-ga iyo ciidanka Xabashida Itoobiya oo garabsanaya maleeshiyaad maxalliya iyo ciidanka Eretriya, kaas oo sida la sheegay galaaftay nolosha dad gaaraya 600,000 oo qof.

FG: Wararka degdegga ah iyo warbixinnadaba kala soco Telegrams-ka:

Related Items

Update cookies preferences