FAAH-FAAHIN: 61 askari oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday dagaal ka dhacay Aboorrey iyo ciidan Xabashiya oo la weeraray.

Saturday April 12, 2025 - 08:22:52
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya dagaallo mar kale maalinnimadii shalay duleedka Aboorrey ku dhex-maray dagaalyahannada Al-Shabaab iyo maleeshiyaadka Gurguurte.
Dagaalladan oo sida ay wararku tibaaxayeen ahaa kuwo culus mar kale jab xooggan dhabarka loo saaray maleeshiyaadka kooxda Villa Somaliya.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in uu jiro khasaare laxaad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo la gaarsiiyey maleeshiyaadka Gurguurte.

Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa xaqiijiyey in ugu yaraan dhegta dhiigga loo daray 18 askari oo ka tirsan maleeshiyaadkaasi, 43 kalena la dhaawacay.

Isla duhurnimadii shalay dagaalyahannada Al-Shabaab waxay waxay madaafiic ku garaaceen saldhigyada maleeshiyaadka Gurguurte ee degmada Aadan Yabaal ee Shabeellaha dhexe.

Duqayntan ayaa sida ay xogtu tibaaxayso geysatay khasaare kala duwan oo gaaray maleeshiyaadkii ku sugnaa xeryahaasi lagu garaacay madaafiicda.

Gobolka Bakool, waxaa isna shalay ka dhacay qarax ay dagaalyahannada Al-Shabaab ku weerareen ciidamada Xabashida Itoobiye ee ku sugan degmada Waajid.

Hawl-galkan oo si gaar ah uga dhacay agagaarka nawaaxiga garoonka diyaaradaha ee macmalka ah ee degmadaasi ayaa lagu beegsaday gaari Cabdi Bile ah oo ay wateen ciidanka Xabashida Itoobiya.

Ilo-wareedyo ayaa xaqiijiyey in uu burburay baabuurkii la beegsaday, askartii Xabashida ee baabuurkaasi la socotay-na ay noqdeen wax dhintay iyo wax dhaawacmay.

Wararka ayaa intaas ku daraya in haraadiga baabuurkii basbeelay ay goobtii ka jiiteen ciidamada Xabashida Itoobiya.

FG: Wixi warar ah ee deg-deg ah kusoo biira Telegram channels-kan :

Related Items

Update cookies preferences