Goor dhaweyd waxa Magaalada Laascaanood gaarey R/Wasaaraha Dowladda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.
Tegitaanka Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ayaa ka dhigan in muddo ka badan soddon sano aaney tagin wafdi san oo kale ah oo ka socda Xukuumadda Soomaaliya.
Ilaa shaley Jimcihii waxa Sool ku qulqulayey xubno wasiirro ah oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Weftiga ayaa hordhac u ahaa booqashada Xamse. Koox ciidamo ah oo saxaafaddu werisay in ay yihiin ilaalada Xamse ayaa sidoo kale gaarey magaalada.
Arrintan waxa aad uga carooday maamulka Somaliland kuwaas oo cambaareeyay Dowladda Soomaaliya.
Somaliland ayaa Laascaanood laga faro-maroojiyey bartamihii sannadkii 2023 ka dib 8 bilood oo colaad ah.
Fiqi oo ah Wasiirka Dibedda ee Xasan Sheekh ayaa imaanshaha Laascaanood ku tilmaamey mid u dhiganta midnimadii lixdankii ay Hargeysi keentay.
"Haddii reer Hargeysa ay 1960-kii keeneen midnimada, maanta reer Laascaanood ayaa dib u soo celiyey” ayuu yiri Fiqi.
Soomaaliya waxa wafti intan leeg oo magaaladaas yimaadda ugu dambeeyay xilligii Kacaanka ee Maxamed Siyaad Barre.
Dhanka kale Laascaanood waxa hore loogu tilmaami jirey dhul lagu muransan yahay oo ay sheegan jireen Puntland iyo Somaliland, hadda se waxa gacanta ku haya maamulka SSC-Khaatumo.