Jubbaland oo ka jawaabtay gogol uu fidiyey Gurguurte oo laga reebay Axmed-madoobe.

Saturday April 12, 2025 - 12:04:20
Liibaan Jeexoow
Waxaa marba marka ka dambaysa sii cakirmaya khilaafaadka u dhaxeeya kooxda Villa Soomaaliya iyo maamul-goboleedyada oo waxa loogu yeero beesha caalamku ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay sidii ay isugu soo dhawayn lahayd daba-dhilifyadan ay ku adeegato.
Xasan-Gurguurte oo wajahaya cadaadisyo caalamiya ayaa dhawaan gogol u fidiyey mucaaradka iyo guud ahaan maamul-goboleedyada, waxaana bayaan shalay kasoo baxay madaxtooyada Villa Somaliya lagu sheegay in kulanka madashaasi ay ku muddaysan tahay labada maalmood ee ugu horreeya bisha soo socota ee May.

Madaxda maamullada Jubbaland iyo Puntland oo si weyn uga hor-yimi ajandayaasha Gurguurte ayaan bayaanka madaxtooyada lagu caddayn in ay ku jiraan daba-dhilifyada loo baaqay iyo in kale maadaama aan xal lag gaarin khilaafkii kala dhaxeeyey iyaga iyo kooxda Xasan Gurguurte..

Inkastoo Axmed-madoobe ka mid ahaa dadkii gogoshaasi soo dhaweeyey, hadana warar saacidihii u dambeeyey soo baxay ayaa sheegaya in casuumaddda uu Xasan Gurguurte u diray madaxda maamul-goboleedyada uu si cad uga reebay madaxa maamulka Jubbaland.

Tallaabadan oo ah weji-gabax hor leh oo lasoo dersay Axmed-madoobe ayaa waxaa jawaab adag ka bixiyey Murtad C/Fataax Maxamed Mukhtaar oo ah wasiirka warfaafinta maamulka Jubbaland, waxaanu sheegay in shirkaasi ay horeyba u qaadaceen, isla markaana ka qayb-galkiisa aanay diyaar u ahayn.

"Jubbaland waxay go’aan mas’uuliyad ku dheehan tahay ku gaartay inay ka baxdo Madasha Wadatashiga 7-dii Oktoobar 2024, Madaxweyne Xasan haddii uu hilmaamay, waa in la xasuusiyo in Jubbaland aan laga maamulin Villa Somaliya” Sidaas waxa yiri Wasiirka Warfaafinta Jubbaland.

Maamulka Puntland ayaa isaguna ganafka ku dhuftay ka qayb-galka shirkaasi, waxaana wasiirka warfaafinta maamulkaasi Maxamuud Caydiid Dirir uu ku tiraabay "Xasan waxaa dadka isku keen ku tiri Beesha Caalamka, Deni waqti ma hayo uu Xasan ku hor fariisto..”

Isku soo wada duuboo waanwaantii ay beesha caalamku doonaysay inay ku dhex-dhexaadiso maamullada daba-dhilifyada ah ee Soomaaliya ayaa rajo-beel u muuqda, xilli dalal uu Maraykanku ka mid yahay ay si weyn uga qaylo-dhaamiyeen taqadumka jihaadiyiinta Al-Shabaab oo haatan kulaalaya caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

FG: Wararka degdegga ah iyo warbixinnadaba kala soco Telegram-yadan:

Related Items

Update cookies preferences