Ugu yaraan 16 askari oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday dagaallo maanta ka dhacay Aboorrey.

Thursday April 10, 2025 - 17:59:20
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imanay gobolka Hiiraan ayaa sheegay dagaallo u dhaxeeya xoogagga Al-Shabaab iyo maleeshiyaadka DF Somaliya oo mar kale ka dhacay deggaanka Aboorreey.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa tibaaxaya in dhegta dhiigga loo daray ugu yaraan 5 askari oo ka tirsan maleeshiyaadka Gurguurte, halka 11 kalena la dhaawacay.

Raayada tawxiidka ayaa lagu soo warramayaa inay ka babanayso Aboorreey, isla markaana jihaadiyiinta Al-Shabaab ay si buuxda u maamulayaan deggaankaasi.

Dagaalkan ayaa ku biiraya dagaalladii labadii cisho ee u dambeeyey ka dhacay isla deggaankan oo maleeshiyaad gaaraya 200 (Labo Boqol) oo askari ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen.

R/wasaare-xigeenka labaad ee DF Soomaaliya ayaa shalay sheegay in dhaawacyo ka badan 280 askari la dhigay cisbitaallada Muqdisho.

Taliyaha maleeshiyaadka asluubta oo ku magac-dheer Taliye Shub ayaa isna xalay shaaciyey in xabsiyada ay ku gureen maleeshiyaad fara badan oo ka firxaday furimaha dagaalka.

FG: Wararka deg-degga ah iyo warbixinnada kala socda Channel-ka: https://t.me/Soomaalinews24

Related Items

Update cookies preferences