Sida uu daabacay Wargeyska Newyork Times ee kasoo baxa dalka Mareykanka, khilaaf aad u xooggan ayaa waxa uu ka dhex qarxay masuuliyiinya ugu sarreysa ee Dowladda Mareykanka, kaas oo ku aaddan duullaanka ay xukuumadda Washingon mudada fog kaga jirto Soomaaliya.
Wargeyska ayaa tilmaamay in masuuliyiinta ugu sarreeysa ee maaamulka Donald Trump ay isku khilaafeen, masiirka duullaaanka gardarrada ah ee ay ka wadaan dalka Soomaaliya, iyagoona qaarkood soo jeediyay in gabi ahaanba la xiro safaaaradda ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho.
Masuuliyiinta katirsan maamulka Trump ayaa ku taliyay, in albaabada la isugu dhufto safaaradda Maraykanka uu ku leeyahay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho oo ah caasimadda Soomaaliya, taas oo ah xarunta ugu weyn ee ay Shisheeyuhu ku leeyihiin dalka.
Waxaa jira masuuliyiin kale oo Ameerikaan ah, kuwaas oo aaminsan in xiritaanka safaaradda Maraykanka ee magaalada Muqdisho uu keenayo burburka Dowladda Federaalka, sida uu tibaaxay Wargeyska Newyork Times ee kasoo baxa dalka Mareykanka.
Illaa iyo hadda xog rasmi ah lagama hayo halka uu ku biyo shuban doono khilaafkaan soo kala dhex galay masuuliyiinta ugu sarreysa ee Dowladda Mareykanka, islamarkaana ku aaddan masiirka duullaanka ay xukuumadda Washington kaga jirto Soomaaaliya.
Falanqeeyayaasha qaar ayaa aaminsan suurtagalnimada in Mareykanku uu gabi ahaanba albaabada isugu dhufto safaaradda uu ku leeyahay xerada Xalane oo hoy u ah shisheeyaha kusoo duulay Soomaaliy, iyagoo daliishanaya tasarrufaadka Madaxweynaha dib loo doortay ee Donald Trump, kaas oo ku daadalaya inuu xoogga saaro siyaasaddiisa arrimaha gudaha, soonaa afjaro dagaallada uu kaga jiro caalamka intiisa kale.
Tani ayaa imaaneysa iyadoo mudooyinkii lasoo dhaafay ay xoogagga Al-Shabaab kordhiyeen weerarada ay ka fulinayaan magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ku beegsanayaan xarumaha ay Shisheeyaha iyo Dowladda Fedaraalka ku leeyihiin caasimadda.
Weerararadii maalmahan ugu saameynta badnaa ee ka dhacay Muqdisho ayaa ahaa Mafaafiicdii dhowrka jeer lagu garaacay xerada Xalane oo ay safaarado iyo xafiisyo ku leeyihiin dowladaha Shisheeye oo uu Mareykanku ugu horreeyo, kuwaas oo qaarkood lagu dilay shaqaale caddaan ah oo katirsan UN-ka kuwa kalana lagu dhaawacay.
Siyaasadda dagaaalka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa u muuqata mid wajaheysa gabi-dhacleyn badan, mudo xileedkii hore ee Donald Trump ayayna aheyd markii uu Soomaaliya ka saaray ku dhawaad 1,000 oo Ameerikaaan ah, balse markii doorashada looga guuleysatay ayaa waxaa go’aankaas dib uga laabtay Joe Biden oo ahaa madaxweynihii hore ee Mareykanka, isagoona ciidankooda dib ugu soo celiyay Soomaaliya.
Trump ayaa laga filan karaa inuu mar kale ku dhawaaqo soo afjaridda duullaanka ay ka wadaan Soomaaliya, waxaana khilaafkaan cusub uu sidoo kale kusoo aadayaa iyadoo diyaaradaha Dowladda Mareykanka ay marar badan duqeymo ka geysteen dalkan, kuwaas oo ay ku laayeen dad shacab ah oo aan waxba galabsan.