Shir lagu sheegay in lagu gorfaynayo waddada bariga Afrika oo ah baa la yiri waddo ganacsi oo isku xidhaysa Somaliland iyo Itoobiya ayaa shalay ka furmay caasimadda Addis Ababa.
Kulankan oo agaasinkiisa uu lahaa maamulka Abiy Axmed ayaa sida lagu soo warramayo waxaa ka qayb-galay maayarro ka kala socda qaar ka tirsan magaalooyinka Soomaali-galbeed iyo Soomaliland.
Jidkan oo sida la sheegay isku xiri doona Berbera iyo Addis Ababa ayay Itoobiya u aragtaa marin muhiim ah, sida Shaafi Axmed Macallin oo ah maayarka Jigjiga u sheegay warbaahin laga leeyahay dalka Ingiriiska.
"Marinkani runtii waa marin muhiim u ah guud ahaan Itoobiya iyo Somaliland kaasi oo kor u qaadi doona dhaqaalaha isku-xirka bulshada iyo guud ahaan iskaashiga gobolka" ayuu yiri Shaafi Macalin.
Waxa uu Shaafi intaa raaciyey in muhiimadda shirkani uu yahay mid looga tashanayo sidii guulo looga gaadhi lahaa mashruuca marinkan Berbera ilaa Addis ababa.
"Mashruucaasi wuu socdaa 30% ayaanu shaqo-galay, mastaqbalkana inaha haray inuu hir-galo ayaa rejo laga qabaa," ayuu yiri duqa magaalada Jigjiga ee xarunta Soomaali-galbeed.
Sidoo kale waxaa maanta magaallada Addis Ababa ku shiray golaha amniga qaranka ee Itoobiya oo uu hoggaaminayo R/wasaare Abiy Axmed, isla markaana ay ka mid ahaayeen saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Booliska iyo Sirdoonka.
War-murtiyeed uu goluhu kasoo saaray shirkaasi ayaa lagu sheegay in ajandayaasha kulankaasi ay ka mid ahayd sidii Itoobiya u xaqiijin lahayd marin-badeed, isla markaana loo hir-gelin lahaa wax ay ku sheegeen xuquuqda istaraatiijiyadeed ee Itoobiya.
Shirarkan isdaba-joogga ah ayaa muujinaya doonista Itoobiya ee hir-gelinta heshiiskii xaaraanta ahaa ee ay la gashay maamulka Somaliland, kaas oo qalinka loogu duugay qaadashada qaybo ka mida Badda iyo Barriga Soomaaliyeed.
Itoobiya ayaan marnaba ka laaban damaceeda gurracan, waxaanay ballan ku qaadday oo xusul-duub ay ugu jirtaa sidii xoog ama xeellad mid uun ugu heli lahayd marin-badeed ay ka xayuubsato dalka Soomaaliya.
