Ganacsade Soomaaliyeed oo xalay lagu dilay Koonfur Afrika.

2446
Liibaan Jeexoow
Xalay fiidkii waxaa magaallada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika lagu dilay ganacsade Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Maxamuud C/Raxmaan Siyaad oo ku magac-dheeraa Doole.
Sida ay wararku tibaaxayaan rag hubaysan oo weli haybtooda aan la aqoonsan ayaa ganacsadaha rasaas oodda ka qaaday xilli uu kasoo baxay goobtiisa ganacsi, isla markaana uu ku sugnaa kasoo hor-jeedka hoteel ku yaalla xaafadda Meyfar oo Soomaalidu ay ku badan tahay.

Raggii dilka geystay ayay wararku sheegayaan inay goobtaasi ka baxsadeen, mana jiraan wax boolis ah oo gacanta kusoo dhigay amaba raacdeeyey dableydaasi toogatay ganacsadaha Soomaaliyeed.

Muuqaal ay duubtay CCTV Camera, oo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa waxaa kasoo muuqanaya nin jaakad madow xiran oo rasaas ku furaya dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku cawaynaysa meel barxad ah.

Ninkan hubaysan ayaa sidoo kale la arkayaa isagoo dib u soo laabanaya kadib markii uu wax yar carararay isla markaana dhamaystiraya dhaawaca ninkii ay rasaastu ku dhacday.

Muddooyinkan dambe waxaa soo laba-kacleeyey isla markaana sii xoogaysanaya weerarrada lagu hayo dadka Soomaaliyeed ee ganacsiyada ku leh dalka Koonfur Afrika. Waxaana halis ku jira ammaanka iyo bad-qabka bulshada Soomaaliyeed ee dalkaasi ku dhaqan.

Tirakoobka dadkii Soomaaliyeed ee la dilay saddexdii bilood ee u dambaysay ayaa ka badan 20 ruux, kuwaas oo intaada badan lagu beegsaday goobahooda ganacsi, sida ay shaaciyeen ururrada bulshada Soomaaliyeed ee ka jira Koonfur Afrika.

FG: Wixii warar iyo warbixinno ah kala socda Channels-kan:


Related Items

Update cookies preferences