Maamulka Somaliland ayaa sheegay in ay dhammaystireen qaramaynta malleeshiyo beeleedyo sannadihii ugu dambeeyay ka dillaacay Gobolka Sanaag ee xaruntiisu tahay Ceergaabo.
Maamulka oo warsaxaafadeed la wadaagey warbaahinta ayaa ka dhawaajiyey in ay soo gaba gabeeyeen malleeshiyo beeleedyadii isla markaana ay ku dareen Ciidanka Somaliland.
Dhanka kale waxa ay sheegeen in dadka shacabka ah ee ku dhaqan Magaalada Ceergaabo in aan lagu arki karin wax hub ah.
Toddobaadyadii ugu dambeeyay waxa magaalada Ceergaabo ku sugnaa Madaxweyne Xigeenka Somaliland Maxamed Awcali kaas oo ka shaqaynayey sidii maamulkaas xasilloonidii gobolkaas u soo celin lahaa.
Tan iyo dagaalkii Laascaanood ee bilaabmey horraantii 2023 waxa Ceergaabo laga dareemayey saansaan colaadeed waxaanan dhowr jeer ku dagaallamey malleeshiyaad iyo Somaliland.
Maamulka Somaliland ayaa magaaladan ka talinayey muddo ka badan 30sano.