Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaallo maalmihii u dambaysay maleeshiyaadka Fano iyo ciidamada Xaabashida Itoobiya ku dhex-maray deggaanno ka tirsan gobolka Amxaarada.
Warbaahinta maxalliga ah ee Itoobiya ayaa soo warinaysa weerarro gaadmo ah oo jabadda Fano ay horraantii usbuucan ka fulisay deggaanno ka tirsan gobolka Gojjam iyo magaallada Gonder.
Jabhadda Fano ayaa sheegatay in ay la wareegeen gacan-ku-haynta degmo dhacda galbeedka Gojjam, kadib markii ay cagta mariyeen ciidamada dawladda.
Sidoo kale kooxda Fano waxay sheegtay in weerarro qorshaysan oo ay ku qaadeen fariisimo ay ku sugnaayeen ciidanka dawladda, ay ka gaareen guullo la taaban karo kuna soo furteen hub fara badan.
Wararka ayaa intaas ku daray in sidoo kale ay dagaallo ka dhaceen deggaannada Yilma, Densa, Dangila iyo Dejen oo dhammaantood ka tirsan gobolka Gojjam.
Waqooyiga Gonder, gaar ahaan meel u dhow deggaanka Quara waxaa isna ka dhacay dagaal culus oo dhegta dhiigga loogu daray tiro askar ah oo ka tirsan nidaamka Addis Ababa.
Maamulka Abiy ayaa la sheegayaa inuu gurmad u diray ciidamadiisii ku sugnaa aaggaasi, isla markaana diyaaradaha Drones-ka lagu arkay meel u dhow magaallada Shifa, sida ay sheegtay Ethio News.
Ku dhawaad usbuuc ka hor ayay ahayd markii kolonyo ka tirsan ciidamada dawladda lagu weeraray isla deggaannadan dhaca waqooyiga Gonder, kadib markii ciidamadni ay dileen 7 qof oo shacab ah.
Deggaanka Wadla oo hoos-taga magaallada Wollo ayaa maalmihii lasoo dhaafay marti-geliyey dagaallo culus oo ay isku faro-saareen maleeshiyaadka Fano iyo ciidanka Xabashida Itoobiya.
Horraantii todobaadkan ayay ahayd markii Jabhadda Fano ay sheegatay in deggaanka Kutaaber ay ku dileen in ka badan 60 askari oo isugu jira ciidanka dawladda iyo maleeshiyaad taabacsan.
Dhiig-bax xooggan ayaa nidaamka Abiy Axmed kaga socda gobolka Amxaarada, waxaana xusid mudan in ilaa haatan aanay wax jawaab ah ka bixin sheegashooyinka jabhadda Fano.