Wasiirka Dibadda Somaliland oo sheegay in Mareykanku baajinayo socdaalka RW Xamse ee Laascaanood.

Wednesday April 09, 2025 - 15:44:07
Liibaan Jeexoow
Wasiirka Arrimaha Dibedda maamulka la baxay Somaliland ayaa sheegay in uu Mareykanka kala hadlay booqashada Reysal Wasaaraha Soomaliya uu ku tagayo Laascaanood.
Cabdiraxmaan Aadan Bakaal oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Somaliland iyo wafti uu wataa ay iman doonaan Mareykanka bisha May ee soo socota.

Wasiirkan maamulka SL ee Dibedda ayaa in muddo ah jooga Mareykanka halkaas oo warbaahintu tabisay in uu u tagey arrimo la xiriira Mareykanka oo qorshaynaya aqoonsiga Somaliland.

Dhanka kale Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay sidii ay uga hortegi lahayd ictiraafka la sheegay in Mareykanku siinayo Somaliland.

Xasan Sheekh oo ah Madaxweynaha Federaalka ayaa hore Itoobiya ugu saxiixay qayb kamida badda Soomaaliya si uu meesha uga saaro MoU-gii Somaliland la saxiixatey Itoobiya taas oo ay ku rabtey aqoonsiga isla markaana ay badda ku siinaysay Itoobiya.

Dhanka kale Xasan waxa uu warqad u direy Donald Trump taas oo uu ku codsanayo in uu qaato Berbera, Boosaaso iyo Balli-Doogle taas beddelkeeda aanu aqoonsi siinnin Somaliland.

Loollanka u dhexeeya Dowladda Feseraalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaa gaarey meeshii ugi sarreysay tan iyo intii Somaliland ku dhawaaqdey in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale 35 sano kahor.

Related Items

Update cookies preferences