Guutada jugta culus ee xoogagga jihaadiyiinta Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa in gelinkii hore ee maanta ay madaafiic ku garaaceen gudaha madaxtooyada Villa Somaliya ee magaallada Muqdisho.
Bayaan goor dhawayd kasoo baxay taliska millateriga Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in hawl-gal qorshaysan oo u dhacay sidii loogu talo-galay ay ka fuliyeen gudaha madaxtooyada Villa Somaliya.
Sida bayaanka lagu qeexay xilliga hawl-galku dhacayay oo ahayd barqadii maanta ayaa gudaha madaxtooyada Villa Somaliya waxaa ku sugnaa Xasan Gurguurte iyo saraakiil ka tirsan kooxdiisa.
Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu xusay in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaaray kooxdaasi iyo weliba burburka xarumo ku yaalla gudaha madaxtooyada.
Warkan ay xarakadu soo saartay oo dhamaystiran halkan hoose kaga bogo.