Warar dheeraad ah ayaa kasoo kordhaya khasaaraha askarta DF Somaliya kasoo gaaray weerar madaafiic ah oo xalay xoogagga Al-Shabaab ku beegsadeen xero ciidan oo ku taal inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Balcad.
Ilo-wareedyo aanu helnay ayaa tibaxaaya dhimashada maleeshiyaadka Gurguurte ay gaarayso ugu yaraan 6 askari, halka Lix kalena ay ku dhaawacmeen.
Wararka ayaa intaas ku daraya in madaafiicda oo si qummaatiya ugu hoobatay bar-yoolkoodii ay sidoo kale geysteen burbur xooggan oo soo gaaray xerada.