Michael Rubin oo xubin sare ka ah machadka fadhigiisu yahay Washington ee American Enterprise Institute isla markaana la-taliye kasoo noqday wasaaradda difaaca ee Maraykanka ayaa sheegay in Soomaaliya mudan tahay in lagu daro liiska dalalka uu Trum saarayo xayiraadda fiisaha.
Wuxuu ka dhawaajiyey in musuqmaasuq ballaarani uu ragaadiyey DF Soomaaliya, isla markaana ay ku fashilmeen dagaalkii ay kula jireen xoogagga Al-Shabaab oo haatan kaabiga ku haya ayuu yiri magaallada caasimadda ah ee Muqdisho.
Rubin waxa uu xusay in magaallada Muqdisho ay tahay goob khatar ah oo aan la isku hallayn karin. Waxaanu ku taliyey in dadka ka imanaya Soomaaliya ee hoos-taga maamulka Gurguurte laga xayiro warqadda dal-ku-galka Maraykanka.
Waxa kale oo Michael Rubin ka dardaar-weriyey in fiise la siiyo qof Soomaali ah oo baaritaan adag aan la marsiinin uu halis gelin karo amniga dalka Maraykanka. Isagoo tilmaamay in faro maran laga joogo balaayiinka doolar ee la siiyey Xasan Gurguurte iyo kooxdiisa.
Maqaalkan uu siyaasigani qalinka u qaatay ayaa maalmo ka hor waxaa daabacay wargeyska Washington Examiner oo sida la sheego u janjeera dhanka midigta ee xisbiga Jamhuuriga ee uu kasoo baxay madaxweynaha dalkaasi Donald Trump.
Geesta kale Michael Rubin ayaa dawladda Maraykanka u soo jeediyey in ay kala saarto Somaliya iyo Somaliland. Waxaanu yiri "Somaliland, inkastoo aan la aqoonsan, haddana aad ayay uga duwan tahay inta kale ee Soomaaliya.”
Waxa uu sheegay in Somaliland ay ku tallaabsatay horumarro ballaaran oo dhinaca amniga iyo waxbarashadu ay ka mid yihiin isla markaana hannaankeeda maamul uu yahay dimuqraadi, halka lasoo magacaabo ayuu yiri hoggaanka DF Somaliya.
Sidoo kale Somaliland ayuu ku ammaanay iskuulka Abaarso oo sida marar badan la sheegay ah obocda ugu weyn ee laga gaallaysiiyo dhalinyarada muslimiinta ah ee Soomaaliyeed isla markaana laga faafiyo dhaqannada gurracan ee Gaallada.
Dugsiga Abaarso oo uu aasaasay nin Amerikan ah oo magaciisa la dhaho Jonathan Starr, ayaa qaybo ka mida ardaydii ka qalin-jabisay loo diray jaamacadaha Maraykanka, Waxaanu Michael Rubin uu sheegay in ardaydaasi ka shaqeeyaan heerarka ugu sarreeya ee ganacsiga Maraykanka.
"Cashuurta ay bixiyaan ardaydaasi reer waxay ka badan tahay deeqdii USAID markii hore siisay, waxaanay intooda badani joogaan Maraykanka sifo sharci ah, iyagoo sidoo kalena dib ugu laabta dalkooda…” ayuu yiri Rubin.
Waxa kale oo Rubin uu intaas raaciyey isagoo maamulka Donald Trump u gudbinaya talo-soo-jeedin "Halkii Somaliland loogu ciqaabi lahaa horumarkeeda, waxaa wanaagsan in xayiraadda fiisaha wax laga beddelo si dadka reer Somaliland loo oggolaado”
Wararka laga helayo maamulka Washington ayuu Michael Rubin sheegay inay tibaaxayaan in maamulka Trump uu hadda ka fikiraayo sidii uu saldhig uga kiraysan lahaa magaallada Berbera, waxaanu intaasi ku daray in Somaliland ay diyaar u tahay fulinta wax kastoo ay codsato Washington.