FAAH-FAAHIN: Hawl-gallo xalay ka dhacay gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Thursday April 10, 2025 - 08:29:58
Liibaan Jeexoow
Dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa xalay weerarro kala duwan ka fuliyey deggaano ka tirsan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.
Gobolka Hiiraan, waxaa ka dhacay habeennimadii xalay qaraxyo labo ah oo xoogagga Al-Shabaab ay ku weerareen askarta DF Somaliya.

Sida ay wararku tibaaxayaan askartan ayaa ku sugnayd laguna beegsaday xaafadda Buudo Wayn ee xarunta gobolka Hiiraan ee Baladweyne.

Sidoo kale isla xalay waxay jihaadiyiinta Al-Shabaab tiro madaafiic ah ku garaaceen xerada Hiil-weyne ee ku taalla jidka isku xidha Muqdisho iyo Balcad.

Wararka ayaa intaas ku daraya in madaafiicdu ay ku hoobatay gudaha xerada oo xilligaasi ay ku sugnaayeen maleeshiyaad fara badan.

Related Items

Update cookies preferences